Gudaha UK, Channel Islands’ka iyo Isle of Man’ka, waxaad u baahan tahay Shatiga TV-ga haddii aad isticmaasho qalab si aad u daawato ama u duubato barnaamijyada TV-ga marka TV-ga laga soo deynayo (oo ay ku jiraan adeegyada satelite’yada ajnabiga ah).
Tan waxaa ka mid ah isticmaalidda kuwa soo socdo:
Waxaad u baahan tahay hal Shatiga TV gurigiiba, xattaa haddii aad isticmaasho wax ka badan hal ka mid ah qalabka kor ku taxan.
Shatiga TV-gu wuxuu ku kacayaa £145.50 sanadkii TV-ga midabka leh, iyo £49.00 sanadkii teleefishinka madowga iyo caddaanka ah.
Daawashada TV-ga iyadoo aan laheysan shati aan shaqeyneyn waa fal damebiyeed. Haddii aad daawato TV-ga adigoo aan heysan shati shaqeynaya, waxa aad halis ugu jirtaa in lagu dacweeyo iyo ganaax gaarayo ilaa £1,000 (fadlan ogow, ganaaxa ugu badan gudaha Jersey waa £500, gudaha Guernsey waa £2000).
Hoos waxaad ka heli kartaa hababka kala duwan ee aad u iibsan karto Shatiga TV-ga.
Xusuusin la xiriirto luuqadda: fadlan ogow in, haddii aad gujiso mid ka mid ah links’yada bartan internetka, waxaa lagugu xiriirin doonaa bar internet oo luuqaddeedu tahay Ingiriis. Haddii aad jeclaan laheyd in aad isticmaasho adeegeena tarjumaadda telefoonka ah, fadlan wac 0300 790 6044 waxaadna la hadli kartaa qof ku hadlayo luuqaddaada.
Habka ugu sahlan ee aad u bixin karto lacagta shatigaaga waxaa weeye Direct Debit’ka, taas oo kuu ogolaaneyso lacag bixin bishiiba mar ama seddaxdii biloodba mar ah, ama waxaad bixin kartaa lacagta sanadka oo dhan hal mar. Direct Debit’ku waa lacagta oo si toos ah looga soo wareejinayo koontada aad bangigaaga ku leedahay. Mar allaale marka Direct Debit’kaaga la sameeyo, shatigaaga si toos ah ayaa loo cusbooneysiinayaa sanad kasta, kama welweleysid in aad noqoto shati la’aan – laakiin fadlan noo sheeg markii aad guri ka guurto si aan kuula rarno shatigaaga.
Waxa aad ku sameysan kartaa Direct Debit’ka online’ka ama wac 0300 790 6044 adigoo gacanta ku heysto macluumaadka bangigaaga (fadlan ogow in Direct Debit’ka seddaxdii biloodba marka ah uu ku kacayo £5 oo dheeraad ah sanadkiiba. Faldan waxaa kale oo aad ogaataa in bangiyada iyo ururada guriyeynta qaarkood aysan aqbalin Direct Debit’ka, sidaas darteed marka hore iska hubi).
Hab kale oo aad ku kala qaybqaybin kartid lacagta shatiga waa qorshaheena qayb bixinta, kaas oo kuu ogolaanayo in aad lacagta u bixiyso si todobaadle ah ama labo todobaadle lacag bixin ah oo u yar sida £5.60 todobaadkii. Wixii macluumaad dheeraada ah iyo sida loo sameysto arintan, fadlan wac 0300 555 0286 (fadlan ogow tani waa Ingiriis kali ah inkasta oo aad waydiisan karto in aad la hadasho qof ku hadlayo luuqaddaada).
Waxa aad ku bixin kartaa kuna maareyn kartaa Shatiga TV-gaaga qadka online’ka. Waxa aad markaa ka dib dooran kartaa in aad ku hesho shatigaaga email ahaan, iyo sidoo kale xiriirada kale ee aad naga heleyso (si aad arintan u sameyso, waxaa muhiim ah in cinwaanka emailkaagu ka kooban yahay xarfo Ingiriis ah oo kali ah.)
Waxa aad ka bixin kartaa Shatiga TV-gaaga halkan - ama debit’ka ama credit card’ka ama adigoo sameysanayo Direct Debit’ka.
Fadlan gacanta ku heyso macluumaadka bangigaaga una diyaargarow in aad ku dhameystirto foomka lacag bixinta Ingiriis ahaan.
Haddii aad leedahay debit’ka ama credit card’ka sida Maestro, Delta, Solo, Visa ama MasterCard, waxa aad ku bixin kartaa Shatiga TV-gaaga telefoon ahaan. Si sahlan u wac 0300 790 6044 adigoo gacanta ku heysto macluumaadka bangigaaga.
Waxa aad aadi kartaa meel kasta oo ah goobta PayPoint si aad ugu iibsato Shatiga TV-gaaga kaash ahaan ama debit card-ka ahaan. Si sahlan ugu sheeg qasnajiga magacaaga iyo cinwaankaa.
Waxaa jiro qiyaas ahaan 22,000 goobood oo ah PayPoint UK oo dhan, waxaana kuwan ku jiri karo miiska kaashka ee dukaanka xaafaddaada, super market’ka ama garaashka. Goobo badan oo ah kuwa PayPoint ayaa furan saacado badan, todobo maalmood todobaadkii. Waxa aad ka ka heli kartaa goobta PayPoint ee maxalliga ah halkan ama adigoo wacayo 0300 790 6137 oo siinayo code-ka boostadada (fadlan ogow kani waa adeeg toos ah oo af Ingiriis ah).
Waxa aad jeeg u soo diri kartaa TV Licensing, Bristol BS98 1TL. Fadlan ka dhig jeegga in la siinayo 'TV Licensing' oo loogu talo galay lacagta shatiga oo buuxdo waxaadna xusuusnataa in aad ku qorto magacaaga, cinwaankaaga iyo code’ka boostada xagga dambe. Fadlan kaash ha soo dirin.
Waxa aad keydin kartaa qarashka xigo ee Shatiga TV-ga isagoo ah mid yar, lacag la maareyn karo adigoo isticmaalayo kaarka keydka Shatiga TV-ga. Si sahlan ugu qaado kaarkan goobta PayPoint si aad u kordhiso keydkaaga kaash ahaan ama debit card’ka. Haddii aad si buuxdo u keydisay lacagta Shatiga TV-ga marka ay tahay in la cusbooneysiiyo shatigaaga, waxa aad si toos ah uga heli doontaa shatigaaga boostada.
Si aad in badan u ogaato una codsato kaarka keydka TV Licensing, fadlan wac 0300 555 0281 (fadlan ogow tani waa Ingiriis oo kali ah inkasta oo aad dalban karto in aad kula hadasho qof luuqaddaada).
Haddii aad guureyso, ama haddii qaar ka mid ah macluumaadka aan kaa heyno qaldan yihiin ama wax laga bedelay, fadlan noo sheeg adigoo booqanayo www.tvlicensing.co.uk/update ama warqad noogu soo dir halkan TV Licensing, Bristol BS98 1TL.
Haddii adiga ama qof kula nool jiro 75 sano ama ka weyn, waxa aad xaq u leedahay Shatiga TV-ga oo bilaash ah. Fadlan wac 0300 790 6044 adiga oo gacanta ku heysto lambarkaaga Caymiska Qaranka si aad u codsato shatigan.
Haddii adiga ama qof kula nool jiro 74 sano ama ka weyn, waxa aad xaq u leedahay Shatiga TV-ga oo waqtiga dhow ah ilaa aad ka gaarto 75 sano. Fadlan wac 0300 790 6044 adigoo gacanta ku heysto lambarkaaaga Caymiska Qaranka wixii macluumaad dheeraad ah.
Haddii adiga ama kula nool uu yahay indhoole ama aragiisu aad u liito, waxaa laga yaabaa in aad u qalanto 50% sicir dhimis ah lacagta uu shatigaagu ku kacayo. Noo soo dir nuqul ah dukumiintigaaga diiwaangelinta indhoolenimada – ama shahaado uu qoray dhaqtarkaaga indhaha oo sheegeyso in aad indhoole tahay ama aragaagu aad u liito. Boosta ku soo dir iyadoo ay la socoto warqaddaada cusbooneysiinta shatiga (haddii aad mid heysato) iyo warqadda lacag bixinta kuna soo hagaaji TV Licensing, Blind Concessions Group, Bristol BS98 1TL. Way wanaagsanaan laheyd haddii aad ku soo dari karto lambar telefoon oo lagaala soo xiriiro.
TV wuxuu noqonayaa dijitaal, nawaaxi ka nawaaxi, inta u dhexeyso waqtigan xaadirka ah iyo 2012. Tan macnaheedu waxaa weeye in signalka TV-ga hadda jiro ee analogue’ga ah la demin doono laguna bedeli doono signalka dijitaalka ah. Bedelashada ka dib, waxa aad u baahan doontaa sanduuqa dijitaalka ah ama TV dijitaal ah si aad u sii hesho kanaalada TV-ga. Si aad wax badan u ogaato, booqo www.digitaluk.co.uk ama ka wac qadka caawimaadda UK halkan 0845 650 0085 (Ingiriis kali ah).
Qorshaha Caawimaadda Bedelashada (Switchover Help Scheme) waxaa wado BBC. Waxaanu halkan u joognaa in aan caawino qof kasta oo da’diisu ka weyn tahay 75, ama ah cuuryaan caawimaad u qalmo, anagoo siineyno qalabka iyo taageero la taaban karo oo la xiriirto u bedelidda TV-ga dijitaal. Warqad ayaanu usoo diri doonnaa qof kasta oo u qalmo waqtiyo badan ka hor inta uusan gobolkoodu bedelmin dijitaalka. Haddii aad dooneyso in aad ogaato warar dheeraad ah, fadlan wac 0800 408 5900 (Ingiriis kali ah) ama booqo www.helpscheme.co.uk.
Haddii aadan daawan ama aadan duubin barnaamijyada taleefishinka marka ay ka socdaan TV-ga – haddey tahay TV, kombiyuutar, telefoonka gacanta, console’ka ciyaaraha, sanduuqa dijitaalka ah, duubaha DVD/VHS ama qalab kale – fadlan noo sheeg adigoo gelayo www.tvlicensing.co.uk/noTV ama wacayo 0300 790 6044. Waxaa dhici karto in aan arintan ku xaqiijino booqasho degdeg ah.
Haddii aadan daawan ama aadan duubin teleefishinka sida tooska ah u socdo, waxaa dhici karto in aad u qalanto lacag celin. Fadlan nagala soo xiriir halkan 0300 790 6044 wixii macluumaad dheeraad ah.
Haddii aad ku dhex nooshayay Isle of Man ama Guernsey oo adiga – ama qof aad la nooshahay – uu jiro 75 ama ka weyn, waxa aad xaq u leedahay Shatiga TV-ga oo bilaash ah. Haddii aad hadda jirto 74, waxa aad iibsan kartaa shati waqtiga dhow ah si aad ugu daboosho bilaha kaaga dhiman sanadguurada dhalashadaada 75’aad. Wac 0300 790 6044 adigoo wato taariikhdaada dhalashada iyo lambarkaaga Caymiska Qaranka si aad u codsato (arintan waxaa laga heli karaa qoraal xisaabeedka bangigaaga haddii lacagtaada howlgabka si toos ah loogu shubo koontadaaada bangiga.) Haddii aadan laheyn lambarka Caymiska Qaranka, fadlan na soo wac si loo diyaariyo caddeyn kale oo muujineyso taariikhdaada dhalashada.
Xusuusin muhiim ah oo loogu talo galay Channel Islands:
Adiga waxaa loola jeedaa qofka magaciisu ku qoran yahay shatiga.
Qalabka TV-ga waxaa loola jeedaa qalabka teleefishinka soo qabto, sida TV set’ka, sanduuqa dijitaalka ah, duubayaasha fiidoyowga ama DVD’ga, kombiyuutarka, console’ka ciyaaraha ama teleefoonka gacanta.
Shatigu wuxuu u ogolaanayaa rakibaadda iyo isticmaalidda Qalabka TV-ga:
Isticmaalidda qalabka TV-ga ee ku shaqeeyo beteriga meel kasto:
Shatiga madowga iyo caddaanka ah:
Wixii macluumaad dheeraada ah oo la xiriiro haddaad u baahan tahay Shatiga TV-ga la xiriir www.tvlicensing.co.uk.
Fadlan ogow in qodobo iyo shuruudo gooni ah lagu dhaqo noocyada soo socdo ee Shatiga TV-ga: hoteelada iyo Shatiga TV-ga qaybaha mobile’ka ah, ARC Shatiga TV-ga concessionary’ga iyo Shatiga TV-ga qaybaha madadaalada. Haddii aad heysato mid ka mid ah waxyaalahan, fadlan ka tixraac shatigaaga wixii qodobo ama shuruudo gaara ee la xiriiro ama nalaga soo xiriir wixii macluumaad ah.